Ethiopia Visa

Amazon World Travel
0


 

eVISA Ethiopia 


Ethiopia 
waa dal dhaca bariga africa waana dalka 27 ee ugu wayn bad ahaan caalamka kaasoo fidsan 1.104m km ama 426 kun mile oo balac ah sidoo kale Ethiopia waa dalka 12 ee ugu dadka badan caalamka iyo dalka 2AAD ee Africa ugu dadka badan waxaana ka dad badan oo kaliya Nigeria oo ah 223.8 Million halka ay Ethiopia lagu qiyaaso dadka ku nool 123 Million  (2023) nidaamka ka jira Ethiopia waa mid jamhuuri ah oo federaali ah luqada rasmiga ahi waa luqada amxaarada halka ay lacagta rasmiga ahi ay ka tahay Ethiopian Bir, Ethiopia waxay dawlad rasmi ah noqotay sanadkii 980BC Dhalashadii nabi ciise ka hor (CS) waana mid kamid ah dawladaha ugu qadiimsan caalamka 

Calender ka ama bilaha Ethiopia waa mid ka kooban 13 Bil Halka ayna ka badan bisha 13AAD 5 - 6 Maalin waxayna u yaqaanan maalmaha qoroxaysan Ethiopia waxay ka danbaysa Calender ka caadiga ah 8 Sano waxayna qarnigan u dabaal degeen marku sanadku inoo ahaa 2,008 

Ethiopia  waxaa lagaga hadlaa in kabadan 80 Luqadood oo kala duwan waxaana ka mid ah AmharicOromoSomaliTigrigna iyo kuwa kale oo badan, Ethiopia waxaa laga helaa goobo taariikhi ah oo kala duwan isla markaana si caalami ah loo aqoonsanyahay sidoo kale Ethiopia waxaa laga helaa 70% Buuraha Africa waxana loogu yeedha Ethiopia dalka buuraha iyo taagaga sidoo kale waxa loogu yeedha saqafka Africa maadaamoy Buuruhu ku badanyihiin, Ethiopia  waxay samaysay kor u kac dhaqaale 20 kii Sane ee u danbayay  waxaana afar jibaarmay dhaqaalaha Ethiopia 

Hadaba shirkada Amazon World Travel Company waxay kuu fududaysay soo saarista Visaha dalka Ethiopia kaaso oo ah mid 1 bil ah ama mid 3 bilood ah Fiisayaashan ayaa ah kuwo kusoo baxaya 3 Cisho ilaa 4 Cisho sidoo kale shuruudaha laga rabo qofka ayaa ah in uu haysto Passport somali ama Passport Somaliland, 2 sawir oo kur ah 2x2 iyo buuga caafimaadka ee yellow card ka

Qiimayaasha fisayaashan ayaa kale ah $100 waa ka 1 Bil ah sidoo kale ka 3 Bil ah ayaa uu isagana qiimihiisu uu yahay $252     

Sidoo kale Amazon World Travel Company waxay si hagar la,aan ah kugu fududaynaysa Ticket ka aad ku tagi lahayd  Ethiopia iyadoo dalabkaga si degdeg ah oo hufan kugu dhamaynaysa 

Hadaba wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad noogu imankartaa xafiisyadayada aamu lu leenahay Burco iyo Hargaysa iyo Nairobi

    Hadaba wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad noogu imankartaa xafiisyadayada aamu lu leenahay

    HQ: Hargeisa, Somaliland.

    Floor one Boodhle building, Bariga Qiblada Masjid Cali Mataan, udhow istaanka basaska cabaaye

    Tel: +252637999950 I +252637999952 I 252637999954

    Email: amazonhga@gmail.com.

    Burao, Office 

    Mohamed Ali Village,Street Afgoye,Opposite  Asaljet or Sawtul-xaq Printing Center

    Tel: +252637999951 I +252637999953.

    E-mail: amazontragburao@gmail.com.

    Nairobi, Office

    Tel: +254723619888 I +254727000600

    Email: amazontravelagency@gmail.com.


    Tags

    Post a Comment

    0 Comments
    * Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.
    Post a Comment (0)
    Our website uses cookies to enhance your experience. Learn More
    Accept !